Ururka Al-shabaab ayaa war ka soo saaray weerar khasaare badan dhaliyay kaas oo subaxnimadii hore ee ay saaka ka fuliyeen degaanka Ceel-baraf ee Gobolka Shabeellada dhexe.
Al-shabaab ayaa sheegay in ay 59 askari ku dileen weerarka oo lala beegsaday saldhig ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ku leeyihiin degaanka Ceel-baraf.
War ka soo baxay kooxda ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay si buuxda gacanta ugu dhigeen saldhiga Ceel-baraf kadib markii ay halkaas ka carareen Ciidamada Burundi oo kamid ah Hawlgalka ATMIS.
Hawlgalka ATMIS weli kama hadlin khasaaraha weerarkan islamarkaama ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay sheegashada Al-shabaab.
PUNTLAND POST