Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin ku saabsan weeraro argagixiso iyo af-duubyo ay qorshaynayaan ururka Al-shabaab.
Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in Al-shabaab ay hanjabaado u jeediyeen reer galbeedka iyo dadka la shaqeeya ee ku sugan Soomaaliya, islamarkaana cabsi joogto ah ka jirto magaalada Muqdisho.
“Weerarada argagixisadu waxay noqon karaan kuwo aan kala sooc lahayn, oo lala eegto meelaha dadku ku badan yahay, munaasibadaha Ciiddaha iyo meelaha ay ajaanibku booqdaan” ayay lagu yiri digniinta Ingiriiska.
Dowladda UK waxay sidoo kale sheegtay in ay jirto khatar sare oo la xiriirta dambiyo ka dhaca biyaha Soomaaliya, gaar ahaan gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya.
PUNTLAND POST