Wasiirka Amniga oo shaqo joojin ku sameeyay Taliye Xijaar

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Booliska Gen. Cabdi Xasan Xijaar, oo saacado ka hor sheegay in aysan Booliska Soomaaliya damaanad qaadi karin amniga doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Wasiirka Amniga ayaa Taliye Xijaar ku eedeeyay arrimo ay ka mid yihiin in uu hor-istaagay doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Wasiirka ayaa amray in si KMG ah ay hoggaanka Ciidanka Booliska u sii wado Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Gen. Sakiya Xuseen.

Wasirka Amniga ayaa faray saraakiisha ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda in ay ka fogaadaan kumilanka siyaasadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, una gutaan waajibaadkooda si dastuuri.

Dhanka kale Wasiirka Amniga wuxuu ku wargeliyay guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka iyo xildhabaannada in ay u madaxbanaan yihiin goorta iyo goobta qabashada doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

PUNTLAND POST