Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash ayaa sida wararku sheegayaan saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Lama sheegin ujeedka safarka Madaxweyne ku xigeenka oo ku soo beegmay xilli uu khilaaf xooggan u dhexeeyo isaga iyo Madaxweyne Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale magacaabis uu shalay sameeyay madaxweyne ku xigeenka ayuu waxba kama jiraan ku tilmaamay madaxweynuhu taas oo cirka ku sii shareertay khilaafkooda.
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa dhowaan ka dhacay is rasaasayn dhexmartay Ciidanka Booliiska iyo ilaalo la socotay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya islamarkaana sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawacleh.
PUNTLAND POST