
Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Guddiga heer Jubaland ee SEIT iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa magaalada Ceelwaaq ka bilaabay Doorashada 16-kii kursi.
Kursigii ugu horeeyay ee doorashadiisa ay ka dhacdo degmada Ceelwaaq ee deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa waxaa ku tartamayay musharixiinta kala ah Cabdullaahi Abukar Xaaji iyo Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim.
Musharax Xildhibaan Cabdicasiid Cabdullaahi Ibraahim ayaa u tanaasulay musharixii kale ee kula loolamayay kursigaas tirsigiisu yahay Hop#119.
Cabdullaahi Abukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) oo ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guulaystay Kursiga sida ay sheegeen Guddiga Doorashooyinka FEIT.
PUNTLAND POST