Madaxweyne Deni oo kulan afur ah ku casumay xildhibaanada Baarlamanka Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan afur ah Caawa ku casumay xildhibaannada Baarlamanka Puntland.

Farriin qoraaleed kooban oo loo diray xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay in ay afurka iska xaadiriyaan xarunta Madaxtooyada kadib markii madaxweynuhu ku marti-qaaday kulankaas.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale xalay la kulmay madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan iyo guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Siciid Deni oo u sharraxan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu maalinta Talaadada u amba-baxo magaalada Muqdisho si uu halkaas uga bilaabo ololihiisa doorashada.

PUNTLAND POST