Askar ka tirsan Ciidamada Puntland oo qarax ku dhaawacmay

Ciidamada Puntland ayaa xalay fashiliyay dabley ka tirsan Al-shabaab oo doonayay in ay weerar ku qaadaan magaalada Boosaaso.

Ciidamada ayaa hawgal qorshaysan kaga hortagay kooxda oo si dhuumasho ah ku soo galay togga lagu magacaabo Gaaca oo ku dhow Boosaaso.

Iska hor-imaad kooban ayaa sida wararku sheegayaan labada dhinac ku dhexmaray togga Gaaca halkaas oo laga ceyrshay kooxdii soo gashay.

Intii hawgalku socday waxa qarax miino lala beegsaday gaari ay leeyihiin Ciidanka Daraawiishta Puntland waxaana ku dhaawacmay afar askari.

PUNTLAND POST