Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo asteeyay kuraasta Beesha Dishiishe

Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin Ugaas Cabdiraxmaan ayaa go’aan rasmiya ka soo saaray Kuraasta Golaha Shacabka ee Beel-weynta Dishiishe (Harti).

Warqad ka soo baxday Xafiiska Ugaaska ayaa lagu asteeyay Kuraasta Beesha Dishiishe oo kala ah Hop#083 iyo Hop#222.

Ugaaska ayaa Kuraastaas u asteeyay Beelaha Saleebaan iyo Cabdikariin Cabdalle oo ka tirsan Beel-weynta Dishiishe sida ku cad warqadda.

Halkaan ka akhriso warqadda

PUNTLAND POST