
Saddex kursi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaalada Kismaayo.
Nasro Mahdi Carraale ayaa loo doortay kursiga kowaad ee Hop#023 kadib markii ay tanaasushay Sahro Cabdi Cilmi oo la tartamaysay.
Kursiga Hop#092 waxaa ku guulaystay Saaddiq Cabdullaahi Cabdi kadib markii uu tanaasulay Cabdullaahi Aaden Ibraahim oo la tartamayay.
Cadar Xareed Jibriil ayaa iyadana loo doortay kursiga Hop#132 kadib markii ay tanaasushay Ifraax Cabdiqani Yuusuf oo la tartamaysay.
PUNTLAND POST