Gavin Williamson oo lagu eedeeyey hanjabaad

Gavin wuu beeninay inuu u hanjabay xildhibaan la xisbi ahaa.

London (Wararka PP) — Gavin Williamson, oo mar ahaa anshax dhowraha xisbiga Muxaafidka ee Biritayn, ayuu xildhibaan ku eedeeyay hanjabaad.

Christian Wakeford, oo xildhibaan Muxaafad u ahaa degmada Bury South ka hor intuusan toddobaadkii hore ku biirin xisbiga Shaqaalaha, ayaa ku eedeeyay Gavin inuu ugu hanjabay joojinta lacag la sii lahaa dugsi sare oo Bury South laga furay haddii xildhibaanku ka hor yimaado qorshaha dowladda ku saabsanaa cuntada lacag la’aanta ah oo carruurta qaarkood la siiyo.

Xildhibaannada qaarkood ayaa soo jeediyay 2020kii in cuntada lacag la’aanta ahi ay sii socoto inta lagu jiro fasaxa dugsiyada.  Gavin wuxuu sheegay inuusan xasuusanin inay sheeko dhexmartay isaga iyo xildhibaanka kale.

Gavin Williamson wuu tirtiray farriinta uu sida aan ka fiirsashada lahayn u qoray markuu Wasiirka Gaashaandhigga ahaa 2019kii.

Gavin wuxuu dhowaan su’aalo ka soo jeediyay baarlamaanka Biritayn isagoo u doodayay aqoonsiga maamulka Somaliland. Sanadkii 2019kii ayuu Gavin Hargeysa kula kulmay Muuse Biixi Cabdi, kulankaas oo uu ku tilmaamay mid u dhexeeyay “labada dal”. Safiirkii Biritayn u joogay Soomaaliya Ben Fender ayaa dacweeyay Wasaaradda Arrimmaha Dibedda Biritayn una sheegay in Gavin ku xadgudbay siyaasadda Biritayn oo ah mid taageersan midnimada siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya.

Gavin wuu tirtiray farriinta uu Twitter ku qoray si uu u taageero sheegashada maamulka Somaliland. Gavin waxaa loo beddelay Wasaaradda Waxbarashada ka hor inta aan shaqada laga eryin. Hadda Gavin Waa xildhibaan aan xil hayin oo kuraasta dambe fadhiya.

© Puntland Post, 2022