Shaqaalaha Puntland oo aan wax mushahar ah qaadan mudda bil ah

Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland, ayaa ka cabanaya in aysan weli qaadan mushaharka bishii December 2021, iyadda hadda bisha January marayso 22 maalmood.

Qaar kamid ah shaqaalaha dowladda ayaa sheegay in ay weli la’ yihiin mushaharkii, islamarkaana aysan jirin meel kale oo dakhli ka soo galo, si ay noloshooda ugu maareeyaan.

Shaqaale kala duwan oo aan magacyadooda u qarinnay sababa jira ayaa Puntland Post u xaqiijiyay warkaas.

Dhinaca kale Ciidamada Puntland ayaa sida la sheegay mushaharkoodii qaatay bishii December 2021.

Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa horay loogu amaani jiray bixinta mushaharka shaqaalaha iyo Ciidamada dowladda.

PUNTLAND POST