Sidee Putin u arkaa Ukrayn?

Moscow (Gorfeyn war ) — Gaashaanbuurta NATO marnaba ma filaynin in caqabad ay soo foodsaari doonto isballaarinteeda. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu ka digay in Ukraine ka mid noqoto NATO iyo in gantaalaha nukliyeerka la keeno dal Ruushka daris la ah. Wasiirka Arrimmaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegay in Ruushka aan la siinin ballanqaad ah in NATO aysan ku soo fidi doonin dhulkii loo yiqiin Midowga Soofiyeeti.

Maqaal shan kun erey ka kooban oo uu Putin qoray wuxuu ku adkaystay in qarannimo dhab ah ee Ukrayn ay suurtoobayso uun marka ay iskaashi la yeelato Ruushka. “Waannu ognahay shirqoollada ay Ruush diidku maleegayaan” ayuu Putin qoray isagoo ka hadlayay tababbarka NATO siiso ciidammada Ukrayn. Putin wuxuu aamminsan yahay in xiriirka soo jireenka u dhexeeya Ruushka iyo Ukrayn uu ka dhigayo iskaashiga mid lagama-maarmaan ah.

Putin uma labalugoodin doono inuu hubka halista ah adeegsado haddii NATO isku daydo inay awood ku meelmariso ku fidisteeda dhulkii loo yiqiin Midowga Soofiyeeti.

Galbeedka ayaa ugu hanjabay Ruushka cunoqabatayn haddii Putin soo weeraro Ukrayn. Biritishka ayaa qaba in Ruushku ka faa’iideysanayo kala-daadsanaanta Galbeedka. Xeeldheerayaal istaraajiyadeed ayaa sheegay in Putin si fudud u kala qeybiyay Galbeedka. NATO waxay leedahay mabda’ oranaya “haddii hal dal oo xubin ka ah NATO la soo weeraro waxay ka dhigan tahay in la soo weeraray xubnaha gaashaanbuurta oo dhan”.

Haddii Galbeedku u dhego-nuglaan waayo dalabyada Putin, way adkaan doontaa in laga hortago dagaal Ruushku ku qaado Ukrayn. Galbeedku wuxuu ula dhaqmay Ruushka sida dal aan dagaal seddexaad ridi karin. Biritishka ayaa ka mid ah dalalka ka cabsanaya weerar hubka Nukliyeerka oo uu Ruushku adeegsan karo haddii uu dareemo in la isu gaashaanbuureysanayo. Madaxii hore ee MI6, sirdoonka Biritishka, ayaa dhowr sano ka hor ku taliyay in aan Ruushka la ciriirin istaraatijiyad ahaan. Wuxuu qiray in Ruushku awood u leeyahay qaadista tallaabooyin halis ku ah nabadda dunida.

Putin wuxuu sanadkii hore sheegay in tallaabooyin kasta oo militari uu Ruushku adeegsan doono haddii aan dalabkiisa amni la aqbalin. Sanadkii 2018kii Madaxweyne Putin ayaa sheegay in Ruushku u adeegsan doono nukliyeer Galbeedka haddii dalkiisu dareemo in la ciribtirayo.

© Puntland Post, 2022