Wasiir Dhabancad oo ka shifay siyaasad u qarsoon Xukuumadda Siciid Deni

Siyaasadda Puntland kuma jirto in ay la shaqayso dowladda Federaalka Soomaaliya inta uu Madaxweyne ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida laga soo xigtay wasiir ka tirsan Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in tan iyo markii la doortay Xukuumadda Siciid Deni ay ka shaqaynaysay in xilka laga tuuro Madaxweyne Farmaajo, iyadoo aan Doorashaba la gaarin.

Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo wareysi siiyay Radio Daljir ayaa warkaas ka xoo sigtay Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Maxamed Dhabancad ayaa hadalkaas ka sheegay marti-qaad uu u sameeyay Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad iyo rag kale.

PUNTLAND POST