Puntland oo xirtay iskuullo waxbarasho maxkamadna saaraysa Maamulayaashoodii

Wasaaradda Waxbarashada Puntland, ayaa go’aanno kama dambays ah ka soo saartay Khilaafkii ka taagnaa dhawr Iskuul oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Qoraal ka kooban laba bog, oo ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland, ayaa lagu go’aamiyay in la xiro Somali International Secondary School iyo Cabdullaahi Yuusuf Secondary School oo ku yaalla Gaalkacyo.

Wasaaradda ayaa ku eedaysay labada iskuul ay ku kaceen nidaam baal-marsan Hannaanka Waxbarashada Puntland oo lagu dhuminayo Ubadka, waxaana Wasaaraddu amartay in Caddaalada la hor-keeno Madaxda labadaas iskuul.

Iskuulka Afrika oo ku yaalla Gaalkacyo ayaa sidoo kale Wasaaradda Waxbarashadu kala laabatay Aqooonsigii dugsi sare, islamarkaana waxa loo celiyay dugsi hoose/dhexe ahaan, kadib markii lagu eedeeyay in uu baal-maray Hannaanka Waxbarashada Puntland.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa digniin kama dambays ah siisay iskuulka Cali Mataan, waxaana la faray in laga saaro Ardayda sharci-darrada ku dhiganaysa fasalka Form One, loona reebo Ardayda dhab ahaan soo dhammaysay fasalka Sideedaad.

Halkaan ka akhriso Qoraalka

PUNTLAND POST