Islaan Ciise Islaan Maxamed oo go’aan ka soo saaray Kursiga HOP200

Kursiga #HOP200 ayaa ee laga soo doorto Gobolka Nugaal ayaa la siiyay Beesha Cali Nuur Muuse (Ciise Maxamuud) sida uu go’aamiyay Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse.

Islaan Ciise ayaa go’aankaas kaga dhawaaqay shir uu Saaka la yeeshay Cuqaasha iyo Nabaddoonada Beesha Ciise Maxamuud.

Kursigaas waxa horay ugu fadhiyay Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ka soo jeeda Beesha Cali Nuur Muuse.

PUNTLAND POST