Faroole iyo Gaas Way Ka Run-sheegeen Siyaasadda Puntland – Faallo

W.Q. X. F. Maxamuud

Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole, laba madaxweyne hore ee Puntland, waxay ka mid yihiin siyaasiyiinta ku howlan heshiisiinta Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo taliyaga Ciidanka Amniga ee Puntland (PSF) oo diiddan xil ka qaadis uu Deni wareegto ku soo saaray.

Dhowr maalmood ka hor Gaas iyo Faroole waxay soo saareen warsaxaafadeed uu iska fogeeyay Cumar Cabdirashiid, Ra’iisal Wasaare hore. Taasi waxay docwareen ku noqotay kaaliintii Gaas iyo Faroole. Labada siyaasi waxay si kala gaar ah ula hadleen beesha Deni. Waxay ugu baaqeen in ay si deggan ismaandhaafkooda ku dhammeeyaan. Dad baa isla markiiba labada siyaasi dhaliil kula booday iyagoo illowsan in hab siyaasadeedka Puntland yahay mid dadku u sameeyeen sida uu yahay.

Faroole iyo Gaas way og yihiin in Madaxweyne kasta oo Puntland soo mara leeyahay awood aan lagula xisaabtami karin: isaga ayaa madaxtooyada, baarlamaanka iyo ilaha dhaqaalaha xukuma. Waa fursad uu madaxweynuhu ku tuuri karo gorofka saboolka, sadbursi aan xishood lahaynna uu booli ugu miisi karo xigtadiisa iyo kuwa uu sandareerada u tuuro.

Puntland waxay muddo dheer — 16 sano — ahayd maamul dadkiisu gogol yihiin in si sharcidarro ah looga hantiyeysto hantida dadka — waxa aynu u naqaanno hantida dowladda. Kuwa lunsaday hantida dadweynaha marnaba kama talin doonaan horumarka Puntland. Dantoodu waxay ku jirtaa in Puntland sii ahaato maamul dhowr siyaasi ku kaltamaan.

Dhowaan wuxuu Madaxweyne Deni ku baaqay in maalqabeenka Puntland ay ka waantoobeen maalgelinta dalalka shisheeye. “Hantidiinna geliya Puntland” ayuu Deni yiri. Talo wanaagsan oo ka timid madaxweyne ganacsade ahaa oo awood u leh in xilka uu hayo, sida kuwii ka horreeyay, u adeegsado u sadburinta danahiisa ganacsi, iyo sadtiridda kuwa tartan ka kula jira.

Ma cadda in Madaxweyne Deni sidaas u dhaqmay hase ahaatee Puntland ma laha sharciyo u diidaya Deni inuu ku adeegto awoodda siyaasadeed. Waa runta Gaas iyo Faroole si dadban u xuseen. Geel laba jir soo wada mar.

X. F. Maxamuud, Gaalkacyo