Guddiga Doorashada Heer Puntland oo beeniyay warar laga faafiyay

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Puntland Cabdikariin Muuse Maxamed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay saacadaha soo socda shaacinayaan jadwal doorasho.

Waxba kama jiraan cid aanan aqoon waxay meelahaas ku qorayaan. Jadwal aan shaacinayno ma jiro saacadaha soo socda iyo cid aan jadwal u sheegnay midna” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariin oo si kooban ula hadlay Puntland Post.

Guddiga ayaa horay u shaaciyay 10 kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka ee laga soo doorto Puntland inkastoo aan weli la soo bandhigin Jadwalka Doorashada Kuraastaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Todobaadka soo socda la qaban doono Doorashada 10-ka kursi ee uu horay u shaaciyay Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Puntland.

PUNTLAND POST