Dowladda Turkiga oo Cambaareeysay Qaraxii Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u camabareysay qaraxii argagixisanimo ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ka oo ay ku dhinteen dad kala duwan.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga lana soo marsiiyay Safaaradooda Muqdisho ayaa lagu yiri “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan argagaxisada ah, waxaana sidoo kale tacsi u direynaa Shacabka walaalaha ah iyo Dowladda Soomaaliya”

 Dowaladda Turkiga ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto garab istaaga dowladda soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhanka kale Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Xuseen Ibraahim Taha  ayaa dhankooda cambaarayay werarkaas bahalnimada ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada  Muqdisho, kaas oo sababay qasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac Soo gaaray askar iyo waliba dada shacab  oo aan waxba galabsan.

PUNTLAND POST