Madaxweyne Siciid Deni oo Maanta ku wajahan Garoowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu Maanta oo Arbaco ah dib ugu laabto Caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho halkaas oo uu kaga qayb-galay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka.

Socdaalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli qaar kamid ah Isimada Puntland ay go’aamiyeen in Hay’adda PSF loo daayo Agaasimihii xilka laga qaaday ee Maxamuud Cismaan Diyaano si loo xalliyo Khilaafkii ka dhashay.

Waxa xusid mudan in Xukuumadda Puntland aysan weli ka hadlin Go’aankaas ka soo baxay shan kamid ah Isimada oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse.

PUNTLAND POST