Maxaa ka dhacay xarunta shirkadda Golis ee caasimadda Garoowe?

Xarunta weyn ee Shirkadda Golis ku leedahay Caasimadda Garoowe waxa saaka laga maqlay Raasaas dhexmartay Ciidanka Booliiska iyo dabley hubaysan.

Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Ilyaas Isxaaq Maxamuud iyo nin ku eedaysan ka ganacsiga Khamriga oo Booliisku ku raad-joogay ayaa si lama filaan ah isu’gu soo galay gudaha xarunta Shirkadda Golis.

Labada nin ayaa sida wararku sheegayaan isku dhex feeray Xarunta Shirkadda Golis kadibna ilaalo hubaysan oo dibadda u joogtay Taliyaha ayaa isku dayay in ay qabtaan eedaysanaha balse rag hubaysan dusha oo ka ilaashanayay ninkaas ayaa Rasaas huwiyay Booliiska.

Booliiska iyo dableyda hubaysan oo daqiiqado Rasaas is weydaarsaday wax khasaare ah kama dhalan waxaana goobta ka cararay ninkii eedaysnaa iyo dableydii uu watay.

PUNTLAND POST