Khasaare ka dhashay dagaal ka dhacay Baladweyne

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal xoogan oo xalay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Hirshabeelle iyo Ciidamo uu watay Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere.

Dagaalkaan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Kooshin ee Baladweyne, waxaana uu bilowday, kadib markii kolonyo gaadiid oo galbineeysay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad oo ka yimid  degmada Feer-feer loo diiday inay maraan waddo dhexmarta xaafadaas.

Inta la xaqiijiyay 5 ruux oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay ayaa ku geeriyooday, halka in ka badan 10 qof kalena oo ay ku jiraan dad shacab ah ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada, si loogu dabiibo xaaladdooda Caafimaad..

Xaaladda Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa saaka oo Jimco ah degan, hayeeshee warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xiisad u dhexeeysa dhinacyada dagaalamay ay ka jirto Magaaladaas.

PUNTLAND POST