Dagaal culus oo saaka dib uga qarxay Boosaaso

Dagaal culus ayaa hadda oo lagu jiro salaadda subax dib uga qarxay magaalada Boosaaso sida ay sheegayaan warar kala duwan.

Dagaal ayaa u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo ciidamo taabacsan Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

 Dhawaqa Rasaasta iyo hubka culus oo ka dhacaya laba dhinac ayaa laga maqlayaa xaafadaha ku dhow xarunta hay’adda PSF.

Dagaalka ayaa dib u bilowday xilli ay socdeen dadaalo lagu doonayo in xiisadda taagan lagu dhammeeyo xal nabadeed.

PUNTLAND POST