Faahfaahinta Iska hor-imaadkii xalay ka dhacay Gaalkacyo

Ciidanka Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa gelinkii dambe ee xalay soo af-jaray hawlgal ka dhan ah kooxaha ka shaqeeya isticmaalka iyo ka ganacsiga Khamriga iyo Xasiishka.

Hawlgalkaas oo ka dhacay xaafado ka tirsan Gaalkacyo ayaa lagu qabtay cabtooy hubaysan oo muddooyinkii u dambeeyay falal amni-darro ah ka waday gudaha magaalada.

Ciidanka ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay 8 kamid ah cabtooydaas islamarkaana lagu qabtay agab isu’gu jira hub iyo gaadiid.

Hawlgalka oo fiidnimadii xalay bilowday waxa ku dhaawacmay saddex askari oo ka tirsan Booliiska iyo laba nin oo cabtooy ah kadib iska hor-imaad dhexmaray labada dhinac.

PUNTLAND POST