Gaalkacyo: Booliiska Puntland oo gacanta ku dhigay cabtooy hubaysan

Booliiska dowladda Puntland oo Caawa hawlgal qorshaysan ka fuliyay magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay dabley hubaysan oo cabtooy ah.

Saraakiisha Booliiska ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen shan kamid ah cabtooyda hubaysan kadib iska hor-imaad khasaare dhaliyay oo dhexmaray labada dhinac.

Saddex askari oo ka tirsan Booliiska iyo laba cabtooy ah ayaa ku dhaawacmay iska hor-imaadkaas oo ka dhacay Xerada Kabista ee magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ay weli ku raad-joogaan qaar kamid ah cabtooyda oo goobta ka cararay.

PUNTLAND POST