Shaqaale ka soo jeeda Puntland oo cabasho ka gudbiyay Wasiir Khadiijo Diiriye

Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya oo ka soo jeeda Puntland ayaa cabasho ka muujiyay Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Shaqaalahaas oo ka kooban 16 qof ayaa Wasiir Khadiijo ku eedeeyay in ay ku samaysay xad-gudub baalmarsan Sharciga Shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shaqaalaha oo Qoraal Cabasho ah u diray Madaxda Sare ee dalka ayaa sheegay in Wasiir Khadiijo boosaskoodi ku beddeshay dad ka soo jeeda Hirshabeelle islamarkaana ah Ergadii dooran lahayd kursigeeda Baarlamanka.

Halkaan ka akhriso Qoraalka

PUNTLAND POST