Ra’iisul wasaare Rooble oo qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Alcuthman.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Imaaraadku qeyb uga qaadan lahayd gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha

Qoraalka ayaa lagu sheegay “in ay ka wada hadleen xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii dowladda Imaaraadku qeyb uga qaadan lahayd gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.”

PUNTLAND POST