Muddaharaad rabshado wata oo xalay ka dhacay Laascaanood

Wararka ka imaanaya magaaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay muddaharaad rabshado wata.

Dadweyne kala duwan ayaa xaafadaha magaalada ka sameeyay muddaharaadkaas oo looga horjeedo maamulka Somaliland.

Laamaha Amniga Somaliland ayaa sida wararku sheegayaan rasaas ku kala eryay dadkii muddaharaadka waday oo jidadka qaar xiray.

Mas’uuliyiinta Somaliland weli kama hadlin muddaharaadka ka dhacay magaalada Laascaanood.

PUNTLAND POST