Maxaa looga hadlayaa kulanka maanta ee Baarlamanka Puntland?

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo fasax kooban ka soo laabtay ayaa lagu wadaa in ay maanta yeeshaan fadhiga 17-aad kal-fadhigooda 49-aad.

Fadhiga maanta ayaa sida qorshaysan looga doodayaa Xeerka dalxiiska Puntland oo ay soo gudbisay wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta iyo dalxiiska.

Xeerkan waxa akhriska labaad ku sameeyay guddiga Arrimaha bulshada, dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Baarlamanka.

PUNTLAND POST