Baarlamanka Puntland oo ansixiyay Xeerka Dalxiiska

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL.

Ajandaha fadhiga ayaa ahaa ka doodista Xeerka Dalxiiska Puntland, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Dawladda Puntland, kadibna lagu wareejiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada.

Guddiga ayaa kusoo sameeyay akhriska 2aad kadib la tashiyo ay la yeesheen dhammaan dhinacyadda uu Xeerka saameynayo, waxayna Kaabis iyo wax-ka-bedel ku sameeyn 16 qodob oo ka mid ah 22 Qodob ee Xeerka.

Ujeeddooyinka Xeerka sida ku cad Qodobka 4aad waxa uu Dhiirgelinayaa Maalgashiga dalxiiska Puntland Iyo Ilaalinta Horumarinta Goobaha Dalxiiska.

Sidoo kale, waxa uu xeerka si faah-faahsan uga hadlayaa waxyaabaha ka rebben Goobaha Dalxiiska, Shirkadaha iyo Dalxiisayaasha Puntland, waxaana ka reebban wax kasta oo ka hor-imanaya Shareecadda Islaamka, Xeerarka iyo dhaqanka Suubban ee Soomaaliyeed iyo in dalxiisayaasha aysan geli karin ujeeddo ka baxsan dalxiiska sida Macdan-baaris, Ganacsi, iyo shaqooyinka kale ee reebban iyo faafinta Sawiradda sumcad xumadda ka gudbinaya Puntland.

Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Xeerka Dalxiiska Puntland , waxaa Oggol ugu codeeyay 37, cid diiday iyo cid ka aamuustay aysan jirin.

Xeerka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya goobaha Dalxiiska, Noocyada Adeegga Dalxiiska, Shuruudaha diiwaan-gelinta Shirkadaha Dalxiiska, Habraaca diiwaan-gelinta, bixinta Ruqsadaha, Ruqsad kala noqoshada, Waajibaadka Shirkadaha, Ganaax, wada-shaqeynta Wasaaradda iyo Hay’adaha kale.

Waajibaadka shirkadaha dalxiiska ayaa waxaa ka mid ah illaalinta deegaanka, duurjoogta iyo goobaha taariikhiga ah ee Puntland, inay bixiyaan adeegyo dalxiis oo tayo leh.

Guddiga ayaa Xeerka ku kordhiyey Qodob ka hadlaya Hagaha Dalxiiska kaas oo ah Muwaadin reer Puntland ah oo ruqsad ka haysta Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Dawladda Puntland, si uu dadka dalxiisayaasha ah u tuso goobaha Taariikhiga ah ee dalka.

PUNTLAND POST