Taliye cusub oo loo magacaabay Booliiska degmada Eyl

Taliyaha Booliiska Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa magacaabay Taliyaha Saldhiga degmada Eyl oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Taliyaha cusub ee Saldhiga degmada Eyl ayaa loo magacaabay Gaashaanle Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul).

Taliyaha Booliiska Puntland ayaa sida la sheegay wada isbeddelo uu ku samaynayo saraakiisha Booliiska degmooyinka.

PUNTLAND POST