Midowga Murrashixiintu waa inay qaataan taladii Sharciyaqaan Tuuryare

W.Q. Cali Maxamuud Buntiile

Talo adigaa ku nool: Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, laba madaxweyne hore, waxaa u roon inay qaataan taladii sharciyaqaan Maxamuud Tuuryare 1991kii siiyay Golihii Dhexe ee United Somali Congress.

Dhowr toddobaad kaddib markuu ururkii USC qabsaday Muqdisho 1991kii, koox indheergarad ah, ku abtirsanayday USC siyaasad ahaan, ayaa ku shirtay Hotel Lafweyn. Raggii halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa saxiibkay Dr Ciise Maxamed Siyaad iyo sharciyaqaan Maxamuud Tuuryare oo Jaamacadda Ummadda ka dhigi jiray Qaanuunka Caalamiga, madaxna u ahaa guddi dowladdii kacaanku u xilsaartay dib u eegista dastuurkii 1979kii aftida loo qaaday.

Tuuryare wuxuu ku taliyay in ururka USC uusan dhisin dowlad waayo dalka oo dhan gacanta kuma hayn, oggolaanshana kama haysan saamileydii siyaasadda markaas (jabhadihii hubaysnaa). Tuuryare wuxuu sheegay in heshiis uu khuseeyo cidda gashay oo keliya. In wax hoos laga soo dhiso ayuu qabay Tuuryare. Go’aanka Midowga Murashixiintu ku qaadaceen doorashada waa mid u eg go’aankii Golihii Dhexe ee USC.

Labadii madaxweyne hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed Muqdisho waxay u arkaan inay go’aaminayso aayaha dalka, waa sababta ay ugu hanjabeen inay dowlad dhisayaan. Waa Dowladdii gebi ahaanba soo afjari lahayd caasimadnimada Muqdisho haddii ay hanjabaadda ka dhabeeyaan. Weli fursad baa jirta ay kaga faa’iidi karaan taladii Tuuryare.

Ku dhowaad 31 sano kaddib shirkaas Soomaaliya ma laha dowlad dalka oo dhan ka arrimisa. Haddii ay jiri lahayd dowlad ma dhici lahayn dad Soomaaliyeed oo dhulkaada jooga laga barakiciyo iyadoo loo cuskunayo sharcidarro si loogu tilmaamo shisheeye. Higsigii 2016kii wuxuu ahaa qorshe Xasan Sheekh inuu talada sii hayo u diyaarsaday. Marnaba su’aal lagama keenin kaalinta maamul federaaleedyada inta lagu jiro doorashada xildhibaannada.

Midowga Murashixiintu waxay abuurayaan xasilloonidarro haddii ay isku dayaan inay awoodda ugu soo noqdaan si argagixin leh. Xaafadaha Muqdisho ayay ku amartaagleyn doonaan iyagoo qabqableyaal ah. Waa inay xusuustaan taladii sharciyaqaan Maxamuud Tuuryare.

W.Q. Cali Maxamuud Buntiile