Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo dacwad ka gudbisay Ganacsato

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa dacwad ku soo oogtay ganacsto ka dhaga adaygtay bixinta cashuuraha iibka.

Dacwadan waxaa gudbiyay Guddiga kor u qaadista iyo dardar gelinta dakhliga cashuuraha Wasaaradda waxana loo gudbiyay Xeer ilaanta.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in xafiiska Xeer Ilaalinta ay soo gaartay meherado ganacsi oo diiday in ay bixiyaan cashuurta ku waajibtay.

Wuxuu sheegay in lafo-gurid dheer kaddib la isku raacay in la hirgeliyo heshiiska markii hore ay wada gaareen Wasaaradda Maaliyadda iyo ganacsatada meheradaha.

Maxamed Xareed Faarax ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay bixiyaan cashuurta ku waajibtay iyaga iyo ganacsigooda.

Haddaba dhammaan ganacsatadaa meheradaha derajo kasto oo ay yihiin waa in ay bixiyaan cashuurta ku waajibtay iyaga iyo cashuurta ganacsigooda ku waajibtay, waayo cashuurtu waa muqadas in la bixiyo…” ayuu yiri

Cidii bixin weyda cashuurta ayuu ku tilmaamay cid dafirtay jiritaanka Dowladda Puntland, si kastoo tahayna muwaadinka looga baahan yahay in uu cashuurta bixiyo.

PUNTLAND POST