Taliye Biixi: Askarigii qof shacab ah xabbad ku rida wallaahi tiirkaan gaynayaa

Taliyaha Ciidanka dhulka Milatariga Soomaaliya Gen Maxamed Tahliil Biixi ayaa si adag uga hadlay dhacdooyinkii u dambeeyay oo askar ka tirsan Ciidanka ay ku dileen dad shacab ah magaalada Muqdisho.

Gen. Biixi ayaa sheegay in Maxkamadaha la hor-gayn doono askartii loo qabtay dilalkii u dambeeyay islamarkaana sharciga la marin doono.

Taliyaha ayaa ku hanjabay in askari kasta oo lagu helay in uu qof shacab ah dilay uu tiirka toogashada keeni doono isagoo tilmaamay in uusan wax naxariis ah u samayn doonin qofkii shacabk waxyeela.

Beelaha ayuu sidoo kale uga digay in aysan mag kala qaadan maadaama taasi ay caqabad ku tahay in caddaaladda la mariyo qofkii wax dila.

Halkaan ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST