Laamaha Ammaanka Jubaland oo shir ka yeeshay Amniga Kismaayo

Laamaha ammaanka Jubbaland ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada kismaayo waxa ay isaga xog-wareysteen sugidda Amniga magaalada Kismaayo.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in la kordhiyo howlgallada ka dhanka ah Gawaarida Muraayadaha madow (Beensalka), kuwa aan sumadda lahayn (Taarkada), kuwa Magaalada soo gala & la socodka dhaqdhaqaaqa Dadka.

Baraha lagu hubiyo Gaadiidka iyo dadka la socda waxaa lagu kordhiyo Ciidamo Booliis & Nabadsugid ah si ay u baaraan Gawaarida, waa qayb kamid ah xoojinta ammaanka Magaalada Kismaayo oo ah xarunta KMG ah ee DG Jubbaland.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku howlan la dagaalanka waxlaha maanka-dooriya oo qayb ka ah nabadgalyo darrada, saraakiisha hoggaamineysa Ciidanka ayaa sheegay in gacan adag ay ku qabanayaan Dadka isticmaala & kuwa ka ganacsada Walxahaas.

PUNTLAND POST