Puntland oo shaacisay xilliga DP World bilaabayso dhismaha dekedda Boosaaso

Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in dhismaha dekedda Boosaaso la bilaabayo saddexda bilood ee ugu horraysa sannadka 2022.

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan Majiino oo si kooban ula hadlay idaacadda Daljir ayaa warkaasi sheegay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in shirkadda DP World ay bilaabayso dhismaha dekedda kadib markii laga wareejiyay P&O Ports.

P&O waa shirkad ka tirsan Compani-ga DP World ee laga leeyahay waddanka Imaaraatiga Carbeed.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay xilli uu gudaha Baarlamanka Puntland ka socdo mooshin ka dhan ah DP World.

PUNTLAND POST