Xog: Baarlamanka Puntland oo mooshin ku burinaya Heshiiska DP World

In ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, ayaa doonaya in mooshin lagu buriyo Heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Qaar kamid ah xildhibaannada Baarlamanka, oo aan rabin in magacyadooda la xigto, ayaa Puntland Post u sheegay in 41 mudane diyaar u yihiin Mooshinka lagu burinayo Heshiiska DP World.

Mooshinkaas ayaa u muuqda mid xooggan oo aysan waxba ka qaban karin Guddoonka Baarlamanka iyo Xukuumadda midna, islamarkaana meesha ka saari doona Heshiiska P&O Port.

Shirkadda P&O (DP World) ayaa heshiis kula wareegtay dekedda Boosaaso sannadkii 2017 xilligaas oo ay sheegtay in ay mudda laba sano ah ku dhisi doonto, balse weli wax shaqo ah kama qaban.

PUNTLAND POST