Ciidamada Daraawiishta Puntland oo la wareegay saldhiga Sugurre kadib markii ay ka baxeen PSF

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland oo ku qalabaysan gaadiidka dagaalka ayaa xalay la wareegay saldhiga weyn ee Sugurre kadib markii ay soo banneeyeen Ciidanka PSF.

Ciidankaas oo u badan cutubyo laga keenay Gobolka Mudug ayaa sida wararku sheegayaan isku fidiyay dhammaan goobihii ay ka soo baxeen Ciidanka PSF oo ka gadooday xilka qaadis lagu sameeyay Agaasimahooda.

Degaanka Sugurre oo ka tirsan buuraleyda Golis waxa saldhig weyn ku lahaa Ciidanka PSF oo halkaas ka fulin jiray weeraro lagu beegsado dagaallamayaasha Al-shabaab.

PUNTLAND POST