Puntland oo waxba kama jiraan ku tilmaantay duufaan ay ka digtay dowladda Soomaaliya

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay war ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan duufaan ku soo wajahan Puntland.

Guddoomiyaha hay’adda Musiibooyinka Puntland ee HADMA Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed (Ceerow) oo si kooban ula hadlay Puntland Post ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warkaas.

Annagu ma hayno duufaantaas mana garanayno meesha ay ka keeneen dadku. Waxaan idiin xaqiijinaya in aysan waxba ka jirin wararkaas islamarkaana aan hadda cabsi laga qabin duufaano” ayuu yiri Guddoomiye Ceerow.

Warka HADMA ayaa ku soo beegmay saacado kooban kadib markii dowladda Soomaaliya ka digtay duufaan ay sheegtay in ay ku soo wajahantahay degaanno ka tirsan Puntland.

PUNTLAND POST