Puntland: Agaasimaha PSF oo ka horyimid xilka qaadistii lagu sameeyay

Agaasimaha guud ee hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa ka horyimid xilka qaadis uu maanta ku sameeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa Agaasimaha cusub ee PSF u magacaabay S/Guuto Maxamed Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr.

Qoraal ka soo baxay PSF ayaa ku tilmaamay xilka qaadista mid baalmarsan sharciyadda xeerka Ciidamada iyo dhaqanka suubban.

“Go’aannada aan baraha bulshada ku aragnay oo aysan jirin horudhacyo ka horreeyey oo lagu filan karay, waxay baalmarsanyihiin sharciyadda, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban”

PSF ayaa sheegay inay la socdaan cidda xiriirada gurracan la samaynaysa cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland islamarkaana ay difaaci doonaan.

Si dhow ayaan u la soconnay xaaladda dalka cidda la sameynaysa xiriirada gurracan cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland, Ciidanka PSF saacadna dib uga noqon mayaan difaaciina iyo ilaalinta amnigiina”.

PUNTLAND POST