Maxay Isku Hayaan Cabdiweli Gaas iyo Mustafe Cagjar?

Mustafe Cagjar: “Cabdiweli Gaas wuxuu ka qeybgalay shir lagu xasilloonitirayo dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.”

Jigjiga (Wararka PP) — Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Cabdiweli Gaas) ayaa ka gilgishay eedeyn kulul oo uu Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar dusha ka saaray isaga.

“Waxaa la ii fasiray qeybo ka mid ah wareysi Af Amxaari uu bixiyay Mustafe Cagjar. Wuxuu igu eedeeyay inaan ka qeybgalay shirar colaado lagaga aloosayo dowlad-deegaanka. Waxaa jiray shir ku saabsan horumarinta dhaqaalaha dowlad-deegaanka laakiin aanan ka qeybgalin” ayuu Gaas u sheegay telefishinka Dalsan.

Cabdiweli Gaas: “ONLF waa cadawga Puntland.”

Cagjar wuxuu ka mid ahaa firfircooneyaal siyaasadeed oo aad uga hor yimid meesha Gaas ka istaagay halganka ONLF. Colaadda siyaasadeed ayaa u dhexeysa Gaas iyo Cagjar. Waxay ku saabsan tahay waraysi uu Cabdiweli Gaas siiyay telefishinka qaranka Itoobiya mar uu Addis Ababa booqanay ka hor 2018kii intuu ahaa Madaxweynaha Puntland. “Waa inaynu iska kaashanno cadawga ay Puntland iyo Itoobiya wadaagaan oo kala ah Al-shabaab iyo ONLF (Ogaden National Liberation Front)” ayuu Cabdiweli Gaas yiri. Ma jirin markaas iyo haddaba siyaasad dowladda Puntland dejisay oo ka dhigaysay ONLF urur argagixiso.

Cabdullaahi Siciid Samatar wuu ka hor yimid in qof Soomaali ah loo dhiibo Itoobiya.

“Waa hadal uu Cabdiweli Gaas jeebka kala soo baxay, ugu gafay dadka Soomaaliyeed iyo hay’adaha siyaasadeed ee Puntland” ayuu yiri mas’uul ka tirsanaa maamulkii Gaas oo codsaday in aan la xiganin.

“Wasiirkii hore ee Amniga Puntland Cabdullaahi Siciid Samatar sida uu uga dhiidhiyay in qof Soomaali ah loo dhiibo Itoobiya waan xusuustaa. Cabdiweli Gaas waxaa la gudboon inuu raalligelin ka bixiyo tilmaanta foosha xun oo runta baalmarsan uu ka bixiyay ONLF” ayuu Cali Aw Muuse, firforcoone ONLF ka tirsan oo ku sugan San Diego (Maraykanka) telefoon ugu sheegay Puntland Post.

© Puntland Post, 2021