Madaxweyne Deni oo xilka qaadis ku sameeyay Agaasimihii hay’adda PSF

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa xilka qaadis ku sameeyay Agaasimihii hay’adda PSF Gen. Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) sida ku cad dikreeto ka soo baxday Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa Agaasimaha cusub ee hay’adda PSF u magacaabay S/Guuto Maxamed Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr.

Halkaan ka akhriso dikreetada Madaxweynaha

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 ee November 24, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Agaasime Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragntinimadiisa Ciidanimo

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

PUNTLAND POST