Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 45 ee November 24, 2021 kuna saabsan magacaabid guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Gobolka Bari.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka
iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Maxamed Dalmar Bile loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Bari.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
PUNTLAND POST