Faahfaahinta dab ka kacay xaafadda Barakacayaasha Garoowe

Dab ayaa xalay qabsaday qayba kamid ah xaafadda Barakacayaasha Washington ku taalla dhanka bari ee caasimadda Garoowe.

Dabka ayaa qabsaday guryo iyo sandaqado waxaana markiiba u gurmaday dab-demiska magaalada iyo ciidanka Booliiska islamarkaana ku guulaystay in ay demiyaan.

Khasaaraha ka dhashay dabka ayaa sida wararku sheegayaan ku kooban min hantiyeed oo keliya balse lama soo werin wax khasaare nafeed ah.

Sidoo kale weli tira-koob rasmiya lagama hayo guryaha iyo sandaqadaha ku gubtay dabkaas xalay ka kacay Kaamka Washington.

PUNTLAND POST