Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Sabtida berriya dib ugu laabanaya magaalada Kismaayo sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo xalay loo sameeyay Casha sharaf saagootin ah islamarkaana Jimcaha dib ugu laaban lahaa Kismaayo ayaa ka baaqday kadib markii Ra’iisul wasaare Rooble ka dalbaday in uu sugo.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa mar kale Galabta ku wargeliyay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe in uusan Sabtida imaan karin taas oo keentay in Axmed Madoobe go’aan deg deg ah qaato.
Lama oga sababta keentay in Ra’iisul wasaare Rooble ka baaqdo safarkii uu Sabtiga ku imaan lahaa Garoowe mana uu sheegin wakhti uu imaan doono.
PUNTLAND POST