Ra’iisul wasaare Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Balcad

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar howleed ku tegay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha waxa safarka weheliya madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Wasiirka Amniga iyo mas’uuliyiin kale.

 Booqashadan ayuu ugu kuurgalaya xaaladaha amni nololeed ee degmada Balcad iyo deegaannada ku teedsan iyo halka ay marayaan mashaariicda horumarineed ee halkaas ka socda sida dhismaha waddada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

PUNTLAND POST