Rasaas xooggan ayaa saacado ka hor laga maqlay buuraha dhanka waqooyi kaga beegan tuulada Af- Urur oo ka tirsan Gobolka Bari.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamada difaaca Puntland ay hawlgal qorshaysan ku qaadeen dabley ka tirsan Al-shabaab oo buuraha isku urursanayay si ay soo weeraraan tuulada Af-Urur.
Dad ku sugan Af-Urur ayaa sheegay in mudda saacado ah Rasaas ka dhacaysay dhinaca buuraha inkastoo aan xog sugan laga hayn khasaaraha labada dhinac.
Saraahiisha Ciidamada ayaa iyaguna Puntland Post u xaqiijiyay in ay hawlgalo qorshaysan ka fuliyeen buuraha Af-Urur iyo sidoo kale jidka aada dhinaca Sugurre.
PUNTLAND POST