Ra’iisul wasaare Rooble oo bogaadiyay doorashada ka socota Puntland

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka iyo dowladda Puntland ku bogaadiyay doorashada hordhaca ee qof iyo cod oo maanta ka socota saddexda degmo ee Eyl, Qardho iyo Ufayn.

Waxaan bulshada, hoggaanka dowlad-goboleedka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa doorashada golaha deegaanka ee ka bilaabatay Qardho, Eyl iyo Ufeyn” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in doorashadaas tahay mid taariikhi ah oo ku dayasho mudan wuxuuna u rajeeyay in ay ku dhammaato si nabdoon oo hufan.

Waa tallaabo taariikhi ah, ku dayasho mudan, muhiimna u ah hannaanka dimoqraadiyadda iyo maamul daadejinta dalkeenna. Waxaan rajeynayaa in doorashadu ku soo dhammaato si nabdoon oo hufan.”

PUNTLAND POST