Madaxweyne Siciid Deni oo hadal kooban u jeediyay shacabka codaynaya

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo hadal kooban shacabka uga jeediyay Telefishinka dowladda, ayaa ka hadlay sida ay u socoto doorashada qof iyo cod ee saddexda degmo.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa sheegay in ay si habsami leh u socoto doorashada, islamarkaana saacado kooban ka harsan yihiin wakhtiga ay ku egtahay codaynta.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay dadka ka codaynaya saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn in ay dulqaad muujiyaan wakhtiga kooban ee harsan, ayna si dhammaystiran uga qayb-qaataan doorashada.

Halkaan ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST