Doorashada hordhaca ah oo si habsami leh uga socota degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn

Doorashada hordhaca ah ee qof iyo cod oo saaka ka bilaabatay saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn ayaa si habsami leh u socota.

Dadweynaha saddexdaas degmo ayaa codka ka dhiibanaya seejooyinka kala duwan, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubnaha guddiga KMG ah ee doorashooyinka, wakiilada ururada siyaasadda iyo kormeerayaal.

Doorashada waxaa ku tartamaya goleyaasha deegaanka 8 urur siyaaaadeed oo kala ah, Kaah, Mideeye, Horseed, Caddaalad iyo Sinnaan, Runcad, Mustaqbal, Ifiye iyo Shaqaalaha.

Sidoo kale ilaa 449 musharrax ayaa ku tartamaya 87 kursi oo ah goleyaasha deegaanka saddexda degmo. Qardho waxaa ka soo baxaya 33 kursi, Eyl 27 kursi, halka sidoo kale Ufeyn ay ka soo baxayaan 27 kursi.

PUNTLAND POST