Wararkii u dambeeyay ee Dagaalka Guriceel

Xoogagga Ahlusunna iyo Ciidamada dowladda Federaalka, oo ay weheliyaan kuwa Galmudug ayaa weli isku hor fadhiya gudaha magaalada Guriceel, halkaas oo shalay dagaal culus ku dhexmaray.

Labada dhinac oo mid kasta xalay gurmadyo soo gaareen ayaa ku kala sugan xaafado ka tirsan Guriceel, waxaana mararka qaarkood halkaas laga maqlayaa rasaas goos goos ah.

Ciidamada dowladda  Federaalka iyo Galmudug ayaa sidoo kale soo bandhigay maxaabiis ay sheegeen in ay dagaalka kaga qabteen xoogagga Ahlusunna.

Wararku waxay sheegayaan, in laga cabsi qabo dagaal kale in uu ka qarxo Guriceel, iyadoo aysan jirin cid kala dhex gashay labada dhinac ee hubaysan.

PUNTLAND POST